DHAGEYSO: Kalluumeysato lagu la’yahay xebaha Puntland iyo cabsi laga qabo in ay qabsadeen..

0

Shan nin oo ka tirsan kalluumeysatada Puntland ayaa lagu la’yahay xeebaha baddaha deegaaamada Puntland mudo 4 maamlood ah, waxaana xaalad kalluumeysatadaas ka waramay wasiirka wasaaradda kallumeysiga Puntland Faarax Maxamuud Cawaash.

Wasiirka ayaa sheegay inay dhowr doon u direen si ay usoo helaan kalluumeysatada la la’yahay, balse waxa uu sheegay inaysan kusoo guuleysan. Waxaa jirta xabsi ah in ay qabsadeen ciidamada la dagaalanka burbur cadeeda.

Faarax Maxamuud Cawaash ayaa sidoo kale sheegay inay la xiriireen ciidamada caalamiga ah ee ilaaliyaha xeebaha Soomaaliya, kana codsadeen inay gacan ka gaystaan soo helistan dadkan.

Sikastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horeysay oo dhacdo noocaan ah laga soo wariyo degaanadda Puntland, waxaana horey u jirtay in sidaan oo kale loo waayey kalluumeysato.

Hoos ka dhageyso codka