DHAGEYSO: Hub Uruursi Socda & Korneel Caare Oo War Farxad Leh Shaaciyey

0

Muddooyinkii dambe waxaa jiray Jabhada uu hogaamiyo Korneel Siciid Cawil Caare ay dagaal kula jireen Maamulka Soomaaliland.

Wada hadal lagu doonayey in nabad la dhex dhigo Soomaaliland iyo Jabhadaasi ayaa odayaal ay wadeen muddooyinkii dambe.

Korneel Caare ayaa warbaahinta la hadlay isagoo sheegay inay garwaaqsadeen Waxgaradka u yimid Ee Nabada ugu baaqay ayna ogolaadeen.

Hadii ay Soomaliland dib ula midowdo Jabhada Korneelka waa cudud ay weysay oo ay mar kale hanan karto,caqabadaha ka dhex jirana laga guul gaari doono.

Dhanka kale maleeshiyaad ayaa isku hub uruursanaya Degmada Ceel afweyn Ee Gobolka Sanaag,taas oo ka dhalatay Dad lagu laayey Dhawaan Halkaasi.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA