DHAGEYSO: Hal Sabab Ay Murashaxiinta Ula Dagaalami Karin MD Farmaajo

0

Siyaasiga Cabdiraxmaan C/shakuur Warsame ayaa soo banaanbixiyey sababta aysan ula dagaalami Karin Xilligaan La taagan yahay Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxa uu Mr Shakuur shaaca ka dhigay in ay awood heystaan ay iskaga celiyaan Farmaajo balse ay Dadka iyo Dalka unaxyaaan sida hadalkiisa laga dhadhansanayey ayna taas badelkeeda doorteen wadada Nabada iyo in Af ku ridaan Xukunka awood sheegadka ah ee Farmaajo.

C/raxmaan C/shakuur oo ka mid ah Murashaxiinta aadka ucadeysta Naceybka ay uhayaan Farmaajo ayaa ku celiyey in Banaanbaxa ay wadayaan oo weliba inta lasoo cadeenayo dhibkii Jimcihii dhacay Ee iyagoo mudaaharaad nabadeed dhigaya ay Dawlada weerar kusoo qaaday.

Murashaxiinta ayaa meel dheer gaarsiiyey in aysan jirin cid ama dal gaar ah oo taageeraya Murashaxiinta sidaa awgeedna ay yihiin kuwo isbadel doon ah oo raba xaqa iyo Xoriyada in lagu muujiyo banaanbaxa ay dhigayaan Jimcaha maadaama kii Todobaadkii hore laga fashiliyey.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA