Dhageyso: Guux ka dhashay Hadalki Museveni ku yiri M/weyne Xasan Sheekh

0

Guux weyn ayaa ka dhashay Hadal uu xalay ka jeediyey Kampala kulan hordhac ah oo ah ay yeesheen Madaxweyne Museveni iyo Wafdigii madaxweynaha soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay halkaasi gaaray.

Dadka qaar ayaa ufasiray hadalka Museveni mid uu ku bahdilayey wafdiga soomaaliya ka socday ee aheyd inuu yiri “hub iyo ciidan waan idiin siin karnaa balse mushaar ciidankiina idima siin karno”

Siyaasiyiinta qaar waxay warkaasi u fahmeen mid dhiiri gelin u ah ciidamada Soomaaliyeed loogana fadhiyo inay is adkeeyaan oo ay dalka xoreeyaan nabada ka shaqeeyaan kadib msuhaar iyo wax walbo oo shaqo ah dalkeena inuu heli doono.

Museveni ayaa kusoo qaatay hadal tusaale ahaa in nabada markii la helo ay wax walbo imaanayaan sidaas awgeedna fariin ugu dirayo Soomaalida inay kacaan oo ay gacmaha is wada qabsadaan amnigana ka shaqeeyaan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA