DHAGEYSO: Gurmad Ciidan & Gaadiid Dawlada Udirtay Degmada Awdheegle

0

Dawlada Soomaaliya ayaa gurmad ciidan iyo gaadiid udirtay Degmada Awdheegle oo maanta ay Al Shabaab weerar qorsheysan ku qaadeen.

Waxa la sheegay in weerarkaasi ay ku jireen Qaraxyo ismiidaamin ah,waxaana ka dhashay Khasaaro iskugu jira Dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkaasi waxa inta la og yahay ku dhintay 5 Askari,waxaana dhaawaca ku dhaw yahay 10 kale,sida ay saraakiisha Ciidanka Meliteriga Xaqiijiyeen.

Sidoo kale Ciidan iyo gaadiid dagaal ayey dawlada udirtay Degmada Awdheegle,si ay dhaawacyada usoo qaadaan iyo askarta ku dhintay Dagaalkaasi.

Dhinaca kale maxaa sabab ka dhigay in mar walbo la weeraro deegaanada Dawlada ay la wareegaan oo xitaa ay suurta gasho in dib Al Shabaab u qabsadaan,su’aashaas waxa ka jawaabay Korneel Cabdi Aadan oo hore ciidanka Dawlada katirsanaa,Sirta Ciidanka iyo arimahoodana si fiican u yaqaanay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA