DHAGEYSO: Gudoomiye Yariisoow “Dad Ka Daran Al Shabaab Ayaa Muqdisho Ku Qabanay”

0

Kadib Howlgalo ay Ciidamada Amniga kasameeyeen qeybo ka mid ah Muqdisho ayaa lagu soo qabtay Maleeshiyaad Hubeysan oo dadka dhac ugeysanayey.

Duqa Xamar Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) ayaa waxa uu maanta sheegay in koox Maleeshiyaad Burcad dadka dhib ku heysay ay soo qabteen.

Waxa uu Gudoomiye Yariisoow sheegay in howlgal laga sameeyey Xaafado kamid ah Degmada Dharkiinleey lagu soo qabtay dadkaasi.

Maanta ayuu sheegay in lagu wareejiyey Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya kuwaasi oo sheegay in ay jiraan Shabaab kuwo ka daran ay jiraan oo dadka dhib ku haya.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA