DHAGEYSO: Goorta uu soo xirmayo shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo lagu dhawaaqay

0

Shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa si rasmi ah wuxuu u soo xirmi doonaa maalinta Sabtida ah ee todobaadka dambe, sidda uu sheegay gudoomiyaha guddiga ku howlan kulankaasi, Cabdiraxmaan Baadiyow.

Mr Baadiyow oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in munaasabada lagu soo afjarayo isu imaatinkaasi taasoo la qaban-qaabinayo ay qabsoomeyso maalinta Isniinta ah ee isla isbuuca soo socda.

Madax ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay ka qeybgasho munaasabadda gabagabadda, sidda uu ka dhawaajiyey Baadiyow oo aanan kala caddeyn cidda ay noqon karto.

Balse, ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa todobaadkii hore gaar ahaan habeenimadii Jimcadihii lasoo dhaafay waxa uu furmay shirkan oo gabagabada laga soo saari doono war-murtiyeed dhowr qodob ah.

Sidda uu fahansan yahay warsidaha Warqaad, magaca loo bixin doono war-murtiyeedka oo la rajeynayo in Sabtida sida rasmiga ah loosoo saaro ayaa wuxuu noqon doonaa”Heshiiska beelaha Galmudug”.

Hoos ka dhageyso codka