DHAGEYSO: Go’aanka Jubbaland Oo Dhabar Jab Ku Ah Dawlada Federaalka

0

Axmed Maxamed Islaam {Madoobe} ayaa sii damqiyey Boogtii la rajeenayey inay bogsato taas oo aheyd isku soo dhawaanshiyaha Dawlada Dhexe & Jubbaland.

Axmed Islaam waxa uu ugu horeyn sheegay in Madaxdii ka socotay AMISOM ee maanta Kismaayo kula kulmeen ay isla soo hadal qaadeen sidii loo xoojin lahaa dagaalka lagula jiro Al Shabaab.

Si gaar ah waxa uu sheegay inay AMISOM & Jubbaland iska kaashan doonaan howlgal urahmanaa oo la iskugu furayo deegaano muhiim ah haba ugu horeysee Aagga Kabsuuma.

Waxa uu Axmed Madoobe dhinaca kale ku celiyey inay Jubbaland awood uleedahay Qabashada Doorashada Xalaal ku dhacda,Amni ah,wax walbana ay iyagu buuxin doonaan ilkaaniyaat-ka loo baahnaa.

Tani waxay fariin utahay in dawlada Dhexe aysan fara gelin ku sameyn doonin Doorashadaasi iyadoo weli khilaafka Axmed Madoobe iyo Madaxda Qaranka uu taagan yahay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA