DHAGEYSO: Go’aanka Culus Shariif Xasan & Guuxa Ka Jira Villa Somalia

0

Gudoomiye kuxigeenka Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu hadal ka jeediyey shirkii jaraa’id Ee Galabta gudaha Muqdisho.

Waxa uu weerar afka ah ku qaaday Madaxtooyada Soomaaliya ee dalka xukunta islamarkaana ku sheegay in waxyaabo Dalka dib udhac ku ah ku dhaqmeyso.

Madaxweynihii Hore Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in aan loo dul qaadan karin sharciyada is daba jooga ah ee Golaha Wasiirada meel marinayaan iyadoo dalka Xukuumad sharci ah ka jirin.

Waxa uu ku biiriyey hadalkiisa Shariif Xasan in loo baahan yahay in la magacaabo Ra’iisal wasaare Cusub islamarkaana ay ku talinayaan in Sharciga iyo Dastuurka Dalka u yaalla lagu dhaqmo.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA