Dhageyso: General katirsan Xoogga oo kashifay arin qarsoon oo ka jirto Muqdisho

0

Iyadoo dhawaan uu dagaal ka dhacay xaafado katirsan degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa waxa maamulka degmadaasi ay gudbiyeen dacwad ka dhan ah saraakiisha hogaamineysay ciidankii dagaalamay.

Gudoomiyaha degmada kaaraan ciise maxamed ayaa warbaahinta usheegay in labada sargaal ee ciidamada ka amar qaata ay dhib badan ku hayaan shacabka degmadaasi.

Arintaas waxaa maanta ka hadlay Taliyaha qeybta 27aad ee ciidamada xoogga general axmed maxamed tareedisho isagoo sheegay in taasi ay been tahay in ciidankooda ka qeyb ahaayeen dagaalkii ka dhacay maalmo ka hor kaaraan.

Waxa uu taliye Tareedisho hoosta ka xariiqay inay jiri karaan gaadiid ciidamada isticmaalaan oo ku buufsan astaanka meliteriga balse aan shaqo ku laheyn.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA