Dhageyso: Garaadka Beesha Dhulbaante oo weeraray Soomaaliland

0

Waxaa maanta soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyey magaalada laascaanood Garaad Jaamac garaad cali oo muddo 15 sano ka hor ay ugu dambeysay halkaasi.

Socdaalkiisa oo dhulka ahaa ayuu kormeeray deegaano badan,waxaana garaad jaamac uu jeediyey khudbad dheer isagoo weerar afka ah ku qaaday Maamulka soomaaliland.

Garaad Jaamac oo ah garaadka guud ee beesha dhulbaante ayaa sheegay in ay marnaba iyagu ka go’in Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya xilli maanta calanka buluuga ah uu dul babanayey magaaladaas.

Waxa maanta garaad jaamac laascaanood markii uu tegay sidoo kale jiray iskusoo baxyo ballaaran oo lagu soo dhaweenayey isagana waxa uu ka mahad celiyey cid walbo oo ka qeyb qaadatay dareenkaasi wanaagsana kusoo dhaweysay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA