Home WARARKA DHAGEYSO: Fariintii Siyaasadeed Ee Sheekh Shaakir Usoo Diray Maanta Dawlada Dhexe &...

DHAGEYSO: Fariintii Siyaasadeed Ee Sheekh Shaakir Usoo Diray Maanta Dawlada Dhexe & Dawlad Gobolleedyada

0
SHARE

Madaxa Xukuumada Ee Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxa uu ka jeediyey Khudbad Kulankii Golaha Wasiirada ay Maanta ku Yeesheen Magaalada Dhuuso mareeb Ee Caasimada Galmudug.

Sheekh Shaakir waxa uu faah faahiyey Caqabadaha ay Galmudug wajahday Tan iyo markii Heshiiskii Ahlusuna lagu bur buriyey Ee Galmudugta Midowday Aheyd.

Waxa uu Madaxa Xukuumada Galmudug sheegay in Dawlada Dhexe Ee Soomaaliya,Beesha Caalamka iyo Dawlad Gobolleedyada kaga fadhiyaan midowgaasi Ahlusunadii hore Ee Gobollada Dhexe iyo Galmudug aan la kala dhex gelin Colaadna laga dhex abuurin.

Sheekh Shaakir waxa uu hoosta ka xariiqay in Dastuurka keliya Ee Galmudug yahay midka lagu heshiiyey Shirkii Jabuuti,ayna muhiim tahay in lagu wada dhaqmo,loona madax banaaneeyo Dawlad Gobolleedka Galmudug Danaheeda gaarka ah.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE