Home WARARKA DHAGEYSO: Fanaanka Xasan Aadan Oo Afka Furtay Markuu Maanta Yimid Muqdisho &...

DHAGEYSO: Fanaanka Xasan Aadan Oo Afka Furtay Markuu Maanta Yimid Muqdisho & Axmed Cigaal Oo…

0
SHARE

Fanaaniinta Axmed Cali Cigaal iyo Xasan Aadan Samatar ayaa waxay yihiin kuwoo Maanta Dalka kusoo Laabtay sanado badan Kadib,kuwaasi oo farxad laga dareemayey inay uhiloobeen Dalkooda Hooyo.

Axmed Cali Cigaal oo ugu horeyn la hadlay Warbaahinta intii ay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kusugnaayeen ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay dib ugu soo laabashada Xamar Cadeey.

Waxa uu Axmed Cigaal u mahad celiyey Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay Muqdisho wada yimaadeen Maanta Hal Diyaaradna wada saarnaayeen.

Sidoo kale isna waxaa Wariyeyaasha si kooban ula hadlay Fanaanka codka guuxa Xasan Aadan Samatar oo Sumcad iyo Mansab sare ku dhex leh Bahda Soomaalida Dhinaca Fankaba ha ugu horeysee.

Muddo kudhaw 30 Sano ayuu Xasan Aadan Samatar sheegay inuu Soomaaliya ka maqnaa uuna uduceeyey Markii uu maanta yimid Muqdisho.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE