DHAGEYSO: Ex Ra’iisal Wasaare Saacid Oo Arin Halis Badan Ugu Baaqay Villa Somaliya

0

Ra’iisal Wasaarihii Hore Ee Dawladii Kumeel gaarka aheyd Cabdi Faarax Shirdoon {Saacid} oo muddo lagu arag saaxada siyaasada Dalka ayaa waxa uu ka hadlay sida Dawlada ushaqeyso xilligaan.

Saacid oo Dalka dibadiisa kusugnaa tan iyo xilka markii laga qaaday ayaa sheegay in hadda Soomaaliya soo hagaageyso oo nabad iyo hormar la gaaray.

Mar uu soo hadal qaaday Awooda Al Shabaab waxa uu sheegay in Dawlada looga baahnaa qidad iyo dad aqoon ciidan leh inay u isticmaasho kala dhantaalka Shabaabka.

Cabdi Faarax Shirdoon waxa uu ku taliyey in Madaxda Dalka hadda hogaamisa uu usoo jeedinayo inay la wada hadlaan oo ay la heshiiyaan Al shabaab maadaama laga adkaan kari waayey sida uu warka udhigay.

Ciidanka AMISOM ayuu sheegay in ay kumanaan gaarayaan balse aysan sidii looga baahnaa shaqada uqaban hadiiba weli quwada Al Shabaab ay ka jirto Soomaaliya meelo ka mid ah.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA