Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) ayaa sheegay in Laga Hadlay Shirkii Amniga Caasimada si wadajir ku dhisan In Nabad gelyada looga shaqeeyo Shacab iyo Ciidanba.

Waxa uu yariisoow sheegay inay doonayaan in Aan looga harin Askarta Dhibaateysa Shacabka oo Lagu ciqaabi doono Fal dambiyeedka ay geystaan.

Duqa Xamar waxa uu ka digay in Banaanbaxyada ay keeni karaan Falal Amni daro iyo boob hantiyeed sidaa awgeedka ka mamnuucay inay marĀ  kale soo laabtaan wixii sabtidii dhacay oo kale.

Sidoo kale Gudoomiye Yariisoow waxa uu sheegay inay Jiraan Dad Bajaaj wata oo hadana Amni daro Geysta ayna ku baaqayaan in la iska dhex saaro kuwa Amniga qal qalka gelinaya.

Dilalka Bajaajleyda Muqdisho ayaa la sheegay in ay soo badanayeen Muddooyinkii dambe,Todobaadkaan Horaantiisii ayaana ugu dambeysay markii Askari Katirsan Ciidanka Dawlada uu dilay wiil Bajaaj watay iyo Abtigiis oo mootada saarnaa.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.