DHAGEYSO: Dawlada Oo War Culus Kasoo Saartay Saanadii Laga Xaday Keydka Hubka

0

Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed General Daahir Aadan Cilmi oo loo yaqaano indho qarshe ayaa waxa uu maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho.

Waxa uu ugu horeyn sheegay in guulo waa weyn laga gaaray gulufka lagu qaaday deegaano Ururka Al Shabaab ku leeyihiin Gobollada Dalka.

General Indho Qarshe waxa uu hoosta ka xariiqay in taasi ay sabab ka dhigtay in Shabaab baqa carar ah ay dawlada isku soo dhiibaan sida uu yirina ay 30 ka badan tahay kuwa Isbuucyadii dambe soo xarooday oo dhanka Shabaabka ka yimid.

Dawlada Soomaaliya waxay sheegtay inay sidoo kale been abuur tahay wararka sheegayey in la jabsaday Keydka Hubka oo saanado la xaday Xarunta wasaarada Gaashaandhiga Ee Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Xoogga waxa uu sheegay inay digniin udirayaan Warbaahinta oo aysan ku xad gudbin Shuruucda Dalka ayna iska hubiyaan sida uu yiri Xaqiiqda Warka lasoo tebinayo.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA