DHAGEYSO: Dawlada & HirShabelle Oo Dayacan Nolosha Dad Halis Ku Jirta Ilaa Hadda

0

Maalmahaan Dambe waxaa lala socday in qaaraan iyo gurmad ballaaran loo fidinayey dadka Baled weyne Ee Daadadka ku fataheen.

Magaaladaasi waxay heshay Dhaqaale badan iyo Agabyo kala duwan,taas oo Meel walbo looga soo qaaraamay.

Madaxdii HirShabelle dhamaantood ayaa B/weyne kusugan iyagoo samata bixinta dadka qeyb ka ah.

Hase ahaatee Dawlada Federaalka Gudiga Gurmadka ay magacowday iyo Madaxda HirShabelle labaduba waxay dayaceen Mas’uuliyad kale.

Waxaa go’doon ku jira Halista Nololeed Dad badan oo Biyaha ku fataheen Aagga Degmada Mahadaay Ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Oday ka mid ah dadka deegaanka ayaa ka sheekeenaya sida ay wax uga jiraan Mahadaay iyo dad soo caawiyey hadii ay jiraan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

Gudoomiyaha Degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax ayaa dhankiisa ka hadlay saameynta Roob Saacado badan da’ay oo biyaha xareeda ay maasheeyeen Magaaladaasi.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA