Home WARARKA DHAGEYSO: Dagaal Weli Ka Socda Shabellaha Dhexe,Hub La Kala Furtay & Meydad...

DHAGEYSO: Dagaal Weli Ka Socda Shabellaha Dhexe,Hub La Kala Furtay & Meydad Daadsan Deegaanka…

0
SHARE

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Halkaas weli uu ka socdo Dagaal Beeleed udhaxeeya Beelo Ood wadaag ah Deegaanka Buur dheere Ee Cadale hoostaga.

Dagaalkani ayaa salka ku haya dhul daaqsimeen sida la sheegayna waxaa la isku adeegsanayaa hubka kala duwan.

Goob jooge aan wareysanay waxa uu sheegay in maleeshiyaadka dagaalamaya ay iska dileen 11 Qof sida xogta lagu hayo.

Ma jirto cid ka hadashay Dagaal beeleedkani Khasaaraha badan geystay iyadoo sidoo kale la leeyahay Hub ayey Maleeshiyaadka kala furteen.

Maamulka HirShabelle oo ka arimiya Deegaanka dagaalka uu ka socdo waxaa lasoo warinayaa inay ku baxeen daminta Dhiiga dagaalka ku daadanayo.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE