DHAGEYSO: Cabsida Laga Qabo Dagaal Sokeeye Oo Sii Kordheysa

0

Walaaca laga qabo in la isku dagaalo Doorashada Soomaaliya ayaa sii kordheysa waxaana soo baxaya baaqyada lasoo saarayo.

Shir ay maanta iskugu yimaadeen Golaha Abwaanada Soomaaliyeed ayey uga hadleen Cabsida ay ka qabaan in dhinacyada isku haya Siyaasada Soomaaliya ay ku dagaalamaan.

Gudoomiyaha Golahaasi Xersi,Afhayeenka Cusmaan Guure iyo Abwaan Cabdi Dhuux ayaa waxay intoodaba waxay ku baaqeen in dagaal dalka iyo dadka loo horseedin.

Golaha Abwaanada Soomaaliya waxay sheegeen in Madaxda Dalka iyo Mucaaradka doorashada raba ay ka fekiraan dhibta ka dhalan karta dagaal dhaca.

Arintaan ayaa kusoo aadeysa xilli Dawlada ay ku go’aan qaadatay Doorasho inay ka bilowdo Maamul Gobolleedyada taageersan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA