Home WARARKA DHAGEYSO: C/raxmaan C/shakuur Warsame Oo Maqribkii Afka Furtay Kana Hadlay Weerarkii Galabta...

DHAGEYSO: C/raxmaan C/shakuur Warsame Oo Maqribkii Afka Furtay Kana Hadlay Weerarkii Galabta Dawlada Kusoo Qaaday

0
SHARE

Kulan Siminaar ah ayaa waxa uu maanta ka dhacayey Mid ka mid ah Hoteelada Muqdisho,waxaana taas ay keentay shaki dawlada ay Dareemaan.

Siminaarka waxaa uu ka socday Hoteelka Maka Al Mukarama Ee Muqdisho,waxaana iskugu yimid Kulankaas Xisbiga Wadajir Ee C/raxmaan C/shakuur Warsame Hogaamiyo.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa waxay tegeen Hoteelka iyagoo Xiray Hoteelkii islamarkaana ay Xoog ku joojiyeen Siminaarkii Socday.

C/raxmaan C/shakuur Warsame Oo Warbaahinta la hadlay waxa uu weerar culus ku qaaday Madaxweyne Farmaajo oo Awood u isticmaalay islamarkaana uu Afka furtay.

Waxa uu Siyaasiga sheegay in Beesha Caalamka Ugu baaqayaan inay deg deg Arimahaan kasoo hadlaan,gudiga Doorashada Madaxa Banaan ayuu sidoo kale fariin udiray.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE