Home WARARKA DHAGEYSO: Buushash Barakacayaal Degganaayeen Muqdisho Oo Dab Qabsaday & Dad Gubtay Oo...

DHAGEYSO: Buushash Barakacayaal Degganaayeen Muqdisho Oo Dab Qabsaday & Dad Gubtay Oo La Arkay

0
SHARE

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan wararka aan Kaheleyno Degmada Kaxda Ee G/Banaadir Ayaa Ku waramaya In halkaasi Tiro Guryo Ah Oo Kuyaala Ay Dab Qabsadeen.

Dad Goob Joogayaal Ah Ayaa Sheegay in guryaha uu dabku qabsaday ay yihiin kuwo kasameesanaa cowshado ama buushash islamarkaana uu dabku ka dhashay koronto.

Sidoo Kale Goob Joogayaasha Waxaa Ay Intaasi Ku dareen In Inkabadan 50-Guri Ay ku bas beeleen Dabkii Maanta Ka Kacay Degmada Kaxda Sido kale waxa La xaqiijiyay In labo qof ay siyaabo kala duwan ugu dhaawacmeen gubasho kasoo gaartay dabkaasi.

Waxaa La Sheegayaa In muddo Saacado ah kadib Lagu Guuleystay Daminta Dabka Hase ahaate dabkan waxaa uu daba socda dab mudooyinkii ugu danbeeyay siyaabo kala duwan uu kaga kacayay qaybo kamid ah magaalada muqdisho.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE