DHAGEYSO: Booliska Oo Cadeysay Arin Kusoo korortay Kiiskii Xamdi

0

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa waxay ka hadleen Arinta Kiiskii Gabadhii lagu kufsaday dhawaan Muqdisho iyo waxyaabaha kasoo kordhay.

Afhayeenka Booliska Korneel Sidiiq Aadan Cali (Doodisho) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in 11 qof oo eedeysanayaal ah Kufsigaasi u xiran yihiin.

Korneel doodisho waxa uu sheegay in Labo qof oo dumar ah lasii daayey dhawaan oo lala xiriirinayey islamarkaana damiin ahaan loo sii daayey,hadii loo baahdana dib loogu yeeri doono.

Afhayeenka Booliska oo sii hadlayey ayaa sheegay in ehelada Marxuum Xamdi ay la wadaagayaan in kiiska uu meel fiican marayo ayna ilaa cadaalad ka helaan Qoyska gabadhaasi aysan ka hari doonin.

Waxay Booliska Soomaaliyeed ka codsadeen gacan taageero cid walbo oo ka qeyb qaadan karta Cadeymo raadinta kiiskaasi.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA