Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kasokoow Khudbada 9-ka Daqiiqo qaadatay Ee Shirka Washinton ka dhacay Ee Deymaha Soomaaliya looga Hadlayey waxa uu kusoo hadal qaaday Hormarka Dawlada Federaalka Soomaaliya ku tallaabsatay Labada Sano Ee Dalka Xukumeysay.

Dakhliga Kordhay,Dib uhabeynta Hay’adaha dawlada,Ciidanka oo la diin waan geliyey,Wasaaradaha Oo Hindise sharciyeed ay meelmariyeen Baarlamaankuna ansixiyey iyo Arimo kale ayuu ku suntay Hadal jeedintaasi.

Beesha Caalamka oo shirkaasi joogtay waxay uriyaaqeen Qodobada wax ku oolka ah Ee Xasan Kheyre ka sheegay Madasha,waxaana shirkaasi wadajir usoo qaban qaabiyey Midowga Yurub,Hay’ada Lacagta Adduunka IMF,Bankiga Addunka iyo Dawlada Ingiriiska iyadoo qeyb lixaad leh ku laheyd habsami socodka Shirka Dawlada Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo qeyb ka ahaa Shirkaasi xubnihii goob jooga ka ahaa,waxa uu sheegay in hadda loo diyaar garoobayo sidii Deymaha Looga Cafin lahaa soomaaliya,weliba Kala barka Sanadkaan ay doonayaan in isbadel waa weyn ay rajeenayaan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.