DHAGEYSO: Axmed Madoobe oo Farmaajo ku tilmaamay “dambiile” hanjabaadna u diray

0

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo warfidiyeenka kula hadlay magaaladda Kismaayo ayaa wuxuu ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee degaanada maamul goboleedkaasi.

Arrimaha uu soo qaadey ayaa waxaa kamid ahaa doorashadii uu kusoo baxay, khilaafka kala dhaxeeya Villa Soomaaliya, xarigga wasiirka amniga Jubbaland, go’doonka la geliyay Kismaayo iyo arrimo kale.

Shirkiisa jaraa’id ayaa waxa uu kashifay arrimo kala duwan, kuwaasi oo quseeya xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo madaxweyne Farmaajo ku sifeeyay “dambiile uuna sheegay in ay dacwad ka gudbin doonan”.

Sidoo kale, waxa uu sidoo kale ku hanjabay in ay jawaab adag bixin doonan hadii Villa Soomaaliya ay dhibaatadda ka joojin waydo maamulka uu hogaamiyaha ka yahay sideedii sano ee lasoo dhaafay.

Hoos ka dhageyso codka