Gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Cadoow (Daaci) oo ka hadlayey shir maanta beesha mudulood ku yeesheen Muqdisho ayaa ka hadlay sida loogu baahan yahay in nafta loo huro xoreynta dalka.
Daaci ayaa cod dheer ku sheegay in doorkaan ragga ay leeyihiin oo naftooda inay biimeeyaan laga sugayo islamarkaana ay xoreynta deegaanada shabaabku joogaan tegaan.
Shirka beesha mudulood ee muqdisho ka dhacay oo ay ka qeyb galeen madaxweynaha hirshabelle cali guudlaawe,duqa muqdisho yuusuf madaale,xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku abtirsata beesha ayaa la isku raacay in kacdoonka shacabka ay dhinacooda ka abaabulaan lana xoreeyo deegaanada gacanta weli ugu jira al shabaab.
Axmed Xasan Cadoow (Daaci) ayaa sheegay in Al Shabaab markii la aas aasayey dad madax ka ahaa ay hadda dawladda ku jiraan sidaas awgeedna ay halis uyihiin shabaab isagoo ku baaqay in dhankooda ay dagaalka soo galaan lagu soo afjarayo awooda argagaxisada sida uu warka udhigay.
HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA AXMED DAACI