Home WARARKA Dhageyso: Askar Maanta Laga Saaray Liiska Ciidanka Qaranka

Dhageyso: Askar Maanta Laga Saaray Liiska Ciidanka Qaranka [Sababta Ogoow]

0
SHARE

Maxkamada Darajad Koobaad Ee Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya ayaa waxay maanta Xukun ku riday Askar katirsanaa Ciidanka Meliteriga Soomaaliya oo Dhac geystay.

Waxa lagu soo oogay Askartani Dhac bareer ah ay ugeysteen Xarumo Shirkada Isgaarsiinta Hormuud ku laheyd Muqdisho iyo Shacabka qaarkood ay ka qaateen alaab ay wateen.

Waxay kala ahaayeen Askarta la xukumay Magacyadooda:

Dable Xoogga Aweys Faarax Maxamuud

Dable Xoogga C/kiriin Muuse Muxuyadiin

Dable Xoogga Maxamed Cali Maxamuud

Ragga la xukumay ayaa labo ka mid ah Maxkamada kusugnaa Xilliga Xukunka ku dhacay iyadoo Maxamed Cali Maxamuud uu ka maqnaa Goobta,dhamaantoodna min shan sano oo Xabsi ciidan ah ayaa lagu Riday.

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad Ee Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya G/sare Xasan Cali Nuur Shuute waxa uu sheegay in Maxkamadu la wareegtay Hubkii ay Dhaca ku geysteen Askartani islamarkaana Xubinimadii ciidanka lagala noqday.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE