DHAGEYSO: Arin Khatar Ah Oo Ka Bilaabatay Muqdisho Oo La Is Dilayo

0

Arin Dawlada ubaahan inay wax deg deg uga qabato ayaa ka bilaabatay qeybo ka mid ah Muqdisho.

Degmada Kaxda Ee Gobolka Banaadir waxaa waayahaan dambe kusoo badanayey Dilal kusaleysan Aano Qabiil oo dad kala duwan la dilay.

Xalay oo ugu dambeysay waxaa la dilay Sheekh Maxamed Axmed oo Caan ka ahaa Kaxda Carruur uu dhalayna la dhaawacay markii gurigiisa lagu weeraray.

Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa Marxuumka la dilay Gudiga Dhismaha Wadada Kaxda,iyadoo sheekha la dilay ay dad badan ka xumaadeen.

Sheekh Cabdi Xayi Aadan ayaa ka sheekeeyey taariikhda Marxuumka la dilay Xalay isagoo ku tilmaamay Saqi Cabqari ah oo dadka ay jeclaayeen.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA