DHAGEYSO: Amar uu bixiyey Madaxweyne Farmaajo Oo Dhaqan galay

0

Ciidamada Booliska Ayaa Amar ku bixiyey in La furo Waddooyinka dhagaxda iyo Caro tuurka lagu jaray Caasimada iyagoo maanta Booliska ay fureen Wadada Lambar Afar iyo Difaacyadii Carada taallay Afaafka hore Ee Xarunta CID-da.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Korneel Sidiiq Aadan Cali Doodisho ayaa warbaahinta usheegay in la furay Wadada oo dadka dhib ku qabeen.

Waxa uu sheegay Afhayeenka looga baahan yahay in Shirkadaha Gancsi Ee gaarka loo leeyahay ay furaan waddooyinka uxiran.

Mashquul badan ayaa wadada ay ukeeni jirtay maadaama qeyb dhan ay Dawlada Xarunteeda Dembi baarista Booliska Soomaaliyeed CID uxirneyd.

9-kii November 2018-kii ayaa la dhigay Caro tuurka lagu jaray Albaabka Laga galo Xaruntaasi kadib weerar Al Shabaab ku qaadeen Xaruntaasi.

Waxa Tani ay qeyb ka tahay Qorshe Olole doorasho uu ku gelayo Madaxweyne Farmaajo isagoo Amar ku bixiyey in dhamaan la furo Waddooyinka xiran Caasimada.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA