DHACDO XANUUN LEH: Nin Kufsi iyo Dil Ugeystay Gabar 8 Jir Ah

0

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa ku guuleystay Soo Qabashada Nin la sheegay in uu Kufsi iyo Dil iskugu diray Gabar Aan Qaan gaarin.

Howlgal laga sameeyey Aagga Deegaanka Lafoole ayaana lagu soo qabtay Ninkaan oo 25 sano jir ah islamarkaana Xarunta dembi Baarista CID-da Lagu hayo.

Eedeysane Daahir Maxamed Qaasim oo Magaciisa saxda yahay Maxamed Qaasim uu kufsi ugeystay Gabar 8Jir ah kadibna uu dilay.

Falkaasi waxa uu ka geystay Deegaanka Xaawo Cabdi Xero Barakac oo la yiraahdo Seddex Buurood.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Korneel Sidiiq Aadan Cali (Doodisho) oo saxaafada la hadlay Galabta ayaa sheegay in Maxkamad la hor geyn doono Eedeysanaha oo Qiraal ku ah Dembiga islamarkaana qof walbo oo Dembi gala uu sheegay Afhayeenka uu Cadaalad wajihi doono.