Dhacdo Naxdin Leh Oo Laga Diin waan geliyey Geeridii Faay Cali Raage

0

Inay Aheyd Sargaal katirsanaa Meliteriga Soomaaliya kasokoow Faay Cali Raage oo saaka Qaraxii ka dhacay Muqdisho ku geeriyootay ayaa waxa laga helay Warbixin Murugo leh.

Faay waxay aheyd mid ka mid ah Ilaaladii gaarka aheyd Ee Madaxweynihii Hore Ee Dawladii Kumeel gaarka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waxay Marxuum Faay Cali Raage ka qeyb qaadatay dagaalo dhowr mar Muqdisho lala galay Ururka Al Shabaab,iyadoo aheyd qof karti badan laheyd.

Faay Cali waxay saaka xijaabatay iyadoo Xilli dhaweyd cunug dhashay,wakhtigii Umushana ku jirtay sidaa awgeedna ay Howlaha Qaranka ay sii wadatay oo aysan guriga iska joogin.

Weerar Al Shabaab hore ufuliyeen waxaa ku dhintay Seygii Qabay,waxaana Saaka Qaraxii Ismiidaaminta la dhintay Bashiir oo ahaa Sargaal isna Meliteriga katirsanaa hadana ay ahaayeen lamaane Wada noolaa.

Ehelada Faay Cali Raage waxay ku tilmaameen Geesiyad Dalka dhiigeeda iyo Dheecaankeeda u hurtay una qalanto in hab maamuus loo xasuusnaado Carruurtii ay ka tagtay.

Al Shabaab oo sheegtay Qaraxii Muqdisho waxay sheegeen inay ku beegsadeen Xildhibaano & Saraakiil Ciidan oo dhimasho iyo dhaawac ka dhashay.