Home WARARKA Dhacdo Naxdin Leh: Nin Xalay Gurigiisa Lagala Baxay Oo Maanta Meydkiisa La...

Dhacdo Naxdin Leh: Nin Xalay Gurigiisa Lagala Baxay Oo Maanta Meydkiisa La Arkay

0
SHARE

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi xalay nin gurigiisa lagala baxay kadibna Maanta Meydkiisa la arkay.

Ninkaan ayaa waxa gurigiisa saqdii dhexe kala baxay Rag Hubeysan oo dareeska Meliteriga Watay islamarkaana ay umuuqaal ekaayeen Shabaab.

Kooxda Hubeysneyd ayaa Wejiga Cimaamad kusoo duubtay kadibna Cabdi Cunaaye Kaxeystay ayna toogteen Maanta meydkiisa la helay.

Ninka la dilay ayaa ka mid ahaa Dalaaleyda Suuqa Xoolaha Ee Degmada Baardheere,lamana oga sababta loo dilay iyo cida dishay intuba.

Ciidamada Amniga Ee Baardheere kusugan waxay sheegeen inay ku raad joogaan soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha dilka ugeystay Marxuumkaas.

Shacabka ku dhaqan Baardheere ayaa Cabsi xoogan soo food saartay siiba Ganacsatada,oo ka walaacsan inay iyaguna beegsi la kulmaan.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE