Dhabar jebinta Socota & Kulankii Kheyre la yeeshay Jawaari

0

Ra’iisal Wasaarihii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta hoygiisa ku marti qaaday Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Prof, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari.

Kulankan ayaana la sheegay in muddo saacado socda islamarkaana isugu jiray qado iyo is xogwareysi xaaladda siyaasaddeed ee dalka.

Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre oo labo cisho ka hor ku dhawaaqay inuu yahay Musharax ayaa Muqdisho ka bilaabay kulamo siyaasadeed oo bilow u ah Ololihisa doorashada Madaxweynaha Soomaaliya sanadka 2021.

Hayeeshee waxaa la rumeysan yahay in fiilooyinka siyaasadeed ee hadda la xir xirayo ay dhamaantood hal meel kusoo biyo shubanayaan waana in uusan soo laaban madaxweyne Farmaajo.