Dhabar Jebinta Cusub Ee Reer Cadaado Ku Fureen Xargihii uu Xiray Ra’iisal Wasaare Kheyre

0

Dawlada Soomaaliya ayaa mar kale la kulmeysa Culeys badan oo ka timid diidmada Qodobada qaar Ee Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo Ahlusuna ku gaareen Magaalada Dhuuso mareeb.

Reer Cadaado waxay ka banaan baxeen maanta Siriqda ay dhigeen Madaxda Dalka ugu sareysa islamarkaana ay hadda dareemayaan qorshe ay ku legdayaan Beesha Cadaado degta.

Waxgarad,Odayaal,Dhalinyaro,Aqoon yahan iyo haween ayaa iskugu soo baxay Degmada Cadado islamarkaana ay shaaca ka dhigeen inaysan udul qaadan karin la duudsiiyo Xaqa ay lahaayeen.

Dawlad Gobolleedka Galmudug ayaa hadda farmasoonka uga boodeysa Siriqda Dawlada Soomaaliya umaleegeyso,xilli Hobyo Shirkii Dib uheshiisiinta la filayey loo fareejiyey Degmada Dhuuso mareeb.

Xargihii Siyaasadeed uu xiray Ra’iisal wasaare Kheyre ayaana la sheegay in hadda dib ufur furmayaan isagoo la saftay siyaasad ahaan Ahlusunada Dhuuso mareeb iyo Guriceel taas oo ka careysiisay Dadyowga Cadaado ku dhaqan.

Waxa macquul ah in dib ugu laabto Ra’iisal wasaraha Cadaado si khilaafka cusub ee soo kordhay usoo xaliyo.