DFS Oo Qiratay In Lagu Qasbay Heshiis ay la gasho Mucaaradka Hubeysan Ee Jooga Muqdisho

0

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in cadaadis Maaliyadeed dibadda ah uu ku riixay in ay dib u eegis ku sameyso habka loo wajahayo nidaamka doorashooyinka Dalka.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed C/Risaaq ayaa sheegay in haddii aysan dhinacyada Soomaalida heshiis ka gaarin doorashada ay adkaan lahayd in la helo taageerada Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ah ee Beesha Caalamka.

Waxaa uu Wareysi uu bixiyay ku sheegay in Ra’iisalwasaaraha uu kulan la qaadan doono Bisha July Wakiillada Beesha Caalamka xilligaas oo la shaacinayo muddada ay dhaceyso doorashada Soomaaliya ee Baarlamaanka iyo Madaxtooyada dalka.

Wasiir C/Risaaq ayaa xusay in qeyb ka mid ah Muqdisho ay ku suganyihiin Ciidamo hab beeleed u abaabulan oo ka amar qaata Mucaaradka kuwaas oo halis geliyay Madaxtooyada Soomaaliya.

Mr C/risaaq ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah aysan ku filneyn dakhliga gudaha si loo helo ama loo fasaxo kaalmada Beesha Caalamkana ay qasab ku noqotay dowladda Federaalka ah in ay la fariisato mucaaradka islamarkaana Dolwadda Federaalka ah ka laabato muddo kordhintii uu Baarlamaanka Soomaaliya sameeyay 12kii April.

Waxaa uu rajo ka muujiyay in Midowga Yurub ay fasixi doonaan dhaqaalaha ay hakadka geliyeen wixii ka dambeeyay markii uu dhamaaday muddo xileedka Dowladda Federaalka ah.

Waxaa kale uu qiray in mushaarka Ciidamada uu yahay kan ugu muhiimsan haddii aysan helinna suuragal tahay in xasillooni darrada magaalada caasimadda ah korodho taas oo qalalaase dhinaca amaanka ah gelin karta caasimadda.