DFS oo qabatay shabakad ka ganacsatada afduubka iyo ka ganacsiga caruurta

0

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah shaaciyey in ay gacanta ku dhigeen shaqsiyaad in ka badan tobban ah, kuwaasi oo ahaa shabakad ka macaashta afuubka iyo ganacsiga caruurta.

Sakiya Xuseen Axmed, taliye ku xigeenka bileyska, oo qoraal soo saartay ayaa waxay tilmaamtay in xubnaha lasoo qabtay oo tiradooda ay gaareyso tobban, kuwaasi oo 8 kamid ah ay yihiin haween.

“Ciidanka Boliiska gaar ahaan Hoggaanka Dembi Baarista ee CID ayaa soo qabtay shabakad ka ganacsata caruurta taasoo la daba joogay muddo hal bil waxaana howlgalkaas lagu soo qabtay 11 eedeysaniyaal oo 8 ay yihiin haween,” ayey tiri.

Balse ma aysan soo bandhigin goorta la sameeyay howlgalka lagu soo xir-xiray dadkan, iyo, sidoo kale muuqaalkooda.

“Sidoo kale, waxeey ciidanka soo badbaadiyeen 11 caruur da’dooda u dhaxeeysa 12 sano jir illa 7 bil jir kuwaas oo ahaa beec-sugiyaal oo hada ay xanaaneenayaan ciidanka boliiska intii laga baadigoobaya waalidiintooda,” ayuu xusay.