DFS oo hirgelineysa qorshe halis ku ah nolosha Sheekh Xasan Daahir Aweys

0

Sheekh Xasan Daahir Aweys, oo kamid ahaa saraakiishii ugu tunka weyneyd Al-Shabaab, ayaa muddo sanado ah wuxuu ku xiran yahay magaaladda Muqdisho, caasimadda Soomaaliya kadib markii uu isa soo dhiibay.

Wadaadka, oo xabsi guri ku jira balse haysatay xorriyad hadal, ayaa waxa uu ku jiraa guriga Habar Khadiijo oo ah xarunta ugu weyn hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee ku taala caasimadda.

Balse xaaladda ayaa haatan waxay muuqataa mid wax badan ay iska bedeli karaan, maadaama ay socdaan qorsheyaal ka dhan ah wadaadkan oo xukuumadda qarka u saaran tahay in ay dhaqan-geliso.

Qorsheyaashaas ayaa waxaa kamid ah in lasoo gabagabeyn doono xorriyadiisa hadalka, in la yareyn doono miisaaniyadda ku baxda noloshiisa iyo in dib loogu celin doono xabsiga saxda ah ee uu ku jiray.

Sikastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa waxay waji gabax ku noqon doontaa shaqsiyaad badan oo haatan wada olale ay kusoo deynayaan Sheekh Aweys oo ay soo dhaweysay dowladii Xasan Sheekh Maxamuud.