DF oo hiilo iyo garab istaag u bandhigatay Laba kamid ah dowladaha leh codka qayaxan ee VETO

0

Dowladda Federalka Soomaaliya oo wajaheysa cadaadis caalami ah oo ku wajahan arrimaha doorashooyinka dalka oo wali aan lagu heshiin iyadoo waqtiga madaxweynaha uu dhamaaday ayaa raadineysa taageero caalami ah.

Madaxda Dolwadda Federalka Soomaaliya waxaa u hanjabay dowladaha kala ah Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway waxaana ka marneyn Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub.

Waxaa madaxda Soomaalida loogu hanjabay cawaaqib xun hadii ay ku heshiin waayaan shirka doorashooyinka dalka iyadoo sidoo kale cunaqateyn la saari doono madaxda dowladda Federalka hadii ay sameyn waayaan tanaasul iyo dulqaad.

Horaantii Todobaadkan kulan gaar ah oo uu yeeshay Golaha Amaanka Qaramada Midoobay waxaa madaxda Soomaalida loogu hanjabay cunaqabeyn adag oo ka dhalan doonta hadii aan lagu heshiin doorashada.

Dowladaha UK iyo USA ayaana gudbiyay codkaas waxaana ka aamusay dowladaha Faransiiska, Ruushka iyo Shiinaha.

Dowladda Federalka ee Soomaaliya ayaa dowladaha Ruushka iyo Shiinaha ka dalbatay iney ka hor imaadaan codka qaxayan ee VETO oo loo adeegsan karo iyagoo ugu baaqay iney ka soo hor jeestaan ama ay diidaan.

Soomaaliya waxey xiriir dhaw la leedahay Shiinaha balse Ruushaka ayaan saameyn weyn ku laheyn siyaasadda Soomaaliya waxaana suuragal ah inuusan codsigaas aqbalin maadama Soomaaliya ay soo dhaweesatay mareykanka oo xiriir fiican uusan kala dhaxeyn Ruushka.

Muqdisho-Somalia