WAR DEGDEG: Shirkii Musharrixiinta iyo RW Rooble oo iminka furmay

0

Waxaa daqiiqado ka hor Hotelka Decale oo ku yaal Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ka furmay shir u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha xilka sii-haya ee Maxamed Xuseen Rooble iyo Xubnaha Midowga Musharrixiinta.

Shirkani ayaa la filayaa in khilaafka sii xoogaystay ee mucaaradka iyo xukuumadda waqtigu ka idlaaday looga hadlo, iyadoo labada dhinacba ay kala wataan ajandayaal aad isaga soo hor-jeeda.

Waxaa shirka ku sugan oo ka qeyb-galaya, RW Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud, musharixiinta, Daahir Maxamuud Geelle, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Madaxweynayaasha Galmudug & Hir-Shabeelle.

Shirka ayaa labada dhinac waxaa ay uga hadlayaan xaaladda cakiran ee uu dalku marayo , dhacdooyinkii dhacay 19-kii Bishaan iyo sidii loo baajin lahaa banaanbaxa ay Musharixiinta ku dhawaaqeen inay qabanayaan Maalinta Berito ah.

Wixii soo kordha dib kala soco Warqaad