DEGDEG: Fanaanaddii labaad oo COVID-19 ugu dhimatay Muqdisho

0

Waxaa maanta fannaanaddii labaad ay xannuunka COVID-19 ugu geeriyootay magalada muqdisho gaar ahaan isbitaalka Martiini.

Fanaanadda oo ka tirsaneyd Hobolada Qaranka Waaberi, ayaa lagu magacaabi jiray  Saafi Cabdi Xaashi (Saafi Dheer) waxaana maalmihii la soo dhaafay ay xanuun la jiiftay isbitaalka.

Saraakiisha Caafimaadka ayaa xaqiijiyay in Fanaanada ay u geeriyootay Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus oo maalahaan ay la xanuunsaneysay ugu dambeena ay Maanta u geeriyootay.

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Saafi Cabdi Xaashi (Saafi Dheer), isaga oo Alle uga baryay in uu jnadii fardowso ka waraabiyo.

Fanaanad Saafi Cabdi Xaashi “Saafi Dheer” oo ka tirsanay Hoboladda Waabari ayaa Covid-19 ugu geeriyootay Isbitaal Martiini. Ilaahay ha u naxariisto Saafi. Waxan tacsi u dirayaa ehelkeedii, asxaabteedii iyo bahda Hobolada Waaberi oo ay Saafi Cabdi muddo dheer ka tirsanayd, Samir iyo Iimaan” ayuu yiri wasiirka.

Wasiir Dubbe ayaa intaa raaciyay digniin uu u dirayo shacabka isagoo yiri   “Wuu soo laba kacleeey COVID-19 ee Ka feejignow COVID 19”.

Waa fanaanadii labaad oo muddo 24 saacadood Gudahood Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho ugu geeriyoota Cudurka Coronavirus, kaas oo dad badan ay la jiifaan Isbitaalka, iyadoo isla isbitaalkaasi ay shalay cudurkani ugu geeriyootay AUN Faaduma Cali Jaamac oo ku magac dheer Nakruuma.