Illo xog ogaal ah oo ku sugan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu wado qorshe xilka uga qaadayo qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada.

Wasiirada loo badinayo iney qaado seefta Xasan Cali Kheyre ama xilka laga qaado waxaa ka mid ah Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye,Wasiirka Howlaha Guud Cabdi Aadan Hoosow oo xilkaasi ku hantay ka dib markii uu iska casilay Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi C/fitaax Geesey iyo Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Wasiir Maareeye ayaa la sheegayaa in loo wado Wasaaradda warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya oo hadad uu wasiir ka yahay Daahir Maxamuud Geele.

        Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka:-

[youtube https://www.youtube.com/watch?v=CMRIoj_V3rY]

 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.