DEG DEG: Xubin ka mid ah guddigii uu magacaabay Aadan Madoobe oo…

0

Iyadoo maanta uu soo magacaabay Gudoomiye Aadan Madoobe guddi KMG ah oo soo baara dhacadadii xarunta baarlamaanka Axadii isbuucaan ka dhacday ayaa hadana xubin ka mid ah guddigii la magacaabay uu ka cudur daartay shaqadaasi inuu qeyb ka noqdo baaritaanka ah.

Xildhibaan C/raxmaan Odawaa ayaa iska diiday inuu ka mid noqdo guddigaasi isagoo urajeeyey xubnaha kale inay howsha sidii loo xilsaaray usoo gutaan.

Dhanka kale Xildhibaan Odawaa ayaa mudanayaasha kale ee Baarlamaanka ku jira ugu baaqay inay ilaaliyaan Anshaxa iyo ku dhaqanka Dastuurka.

Ka cudur daarasho.

Anigoo u mahad celinaya gudoomiyaha golaha shacabka JFS Mudane Sh Aadan Maxamed Nuur (Sh Aadan Madoobe), haddana waxaan ka cudur daaranayaa ka mid noqoshada xubinimada guddigaan hoos ku lifaaqan.

Xildhibaanada saxiibadeey ah waxaan kula dardaarmayaa in aan mar walba ilaalinno anashax iyo dhaqanka wanaagsan, xasuusnaana inaan nahay indhihii dalka.

Mahadsnaidiin