DEG DEG: Xildhibaanada P/land oo cod u qaadaya mooshinka laga gudbiyay Dhoobo & amniga xarunta oo la adkeeyay

0

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaarayo magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Puntlani ee mooshinka ka gudbiiyay guddoomiyaha Baarlamaanka la filayo ineey maanta cod u qaadaan mooshinkaas.

Illaa 44 Xildhibaan ayaa saxiixay Mooshinka, Guddoomiye kuxigeenka 1aad ayaa xaqiijiyay inuu qabtay Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Mooshinkan ayaa abuuray xiisad dagaal iyo cabsi soo wajahday shacabka Puntland gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Garoowe oo xalay dushooda lagu dagaalamay.

Sida wararku ay sheegayaan madaxweynaha Puntland ayaa xalay lacago aad u fara badan u qeybiyay Xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay guddoomiye Dhoobo,wuxuuna xildhibaankii helay in ka badan 40-kun oo dollar,sida ay xillo og ogaal ah inoo sheegeen.

Waxgaradka Puntland ayaa dadaal ku bixinaya sidii loo qaboojin lahaa xiisadda soo korortay,iyagoo wada hadalo la leh dhinacyada is haya.