Deg Deg: Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka oo geeriyooday

0

Allaha u naxariisto Xildhibaan Cabdulaahi Sheekh Ismaciil oo ka tirsanaa Golaha shacabka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta ku geeriyooday Muqdisho .

Marxuumka ayaa soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya iyo Safiirka Soomaaliya Ee Ruushka.

Inna Lillahi Wa Inna Ilayhi Raajicuun

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhammaan xillibaanada Golaha iyo guud ahaan shacbiga soomaaliyeed kaga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Oo Goor dhow ku geeriyooday Magaalada Muqdisho. Waxaana gaar ahaan uu ugu tacsiyeeyay ehelada iyo qoyska marxuum xildhibaanka

Xildhibaanku wuxuu ahaa rugcadaa in badan qarankaan u soo shaqeeyay soona qabtay xilal kala duwan hadane wuxuu ka mid ahaa xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS.