DEG DEG: Wasiir Cawad Oo Is Casilay & Xilka Durba Loo magacaabay

0

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mxamed Xuseen Rooble ayaa caawa u magacaabay Wasiirka Arrimaha dibada ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ka dib markii uu subaxnimadii hore ee saaka is casilay Wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Maxamed C/risaaq ayaa ka mid ahaa Musharaxiintii xilka Madaxweynaha ee doorashadii 2017, sidoo kale waxaa uu soo noqday La taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee Arrimaha Doorashooyinka.

Ambasador, Cawad ayaa xalay ka hor yimi qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibada oo markii dambe laga saaray Dagalka wasaaradda, loogana hadlayay arrimaha Itoobiya.

Madaxweynaha Dalka mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale Safiir u magacaabay Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Danjire Ahmed Ciise Cawad.