DEG DEG: Wariyeyaasha oo looga yeeray Madaxtooyada & Arinta Ereteria oo laga Hadlayo

0

Sida ay Warqaad heshay Waxaa wariyeyaasha looga yeeray duhurnimadii Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya,lamana oga waxa laga hadli doono.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abokor Dubbe ayaa shir jaraa’id ku qabanaya Xarunat Wasaaradaasi,iyadoo Arinta Ciidankii Ereteria tababarka loogu qaaday ee buuqa siyaasadeed abuuray inuu ka jawaabo la filayo.

Wasiir Dubbe ayaa ka fal celin doonaa Warbixintii QM Guddigeeda Xuquuqul insaanka kasoo saareen Ciidamo la sheegay inay soomaali ahaayeen oo ka qeyb qaatay Dagaalkii ka dhacay Gobolka Tigree.

Xiisada ka dhalatay Arintaas waxay boog aan harin ku noqoneysaa Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mar saaxiibo ku ahaa Xukunka Dalka hayeeshee ku kala tegay 25-kii July Sanadkii hore markii Baarlamaanku ay cod ku rideen Xukuumadii Kheyre.

NAGA FILO WIXII SOO KORDHA HADALKA WASIIR DUBBE EE LA FILAYO.