Dawladda Soomaaliya ayaa taageertay Madax banaanida dal-weynaha Shiinaha, is heynta Mareykanka iyo Shiinaha-na waxay garabka saartay dhinaca Shiinaha.
Waxayna sheegtay in ay si buuxda u garab taagan tahay, xili ay Mareykanka iyo Xulafadiisu doonayaan difaaca Taiwan.
Soomaaliya ayaa ku baaqday in la ixtiraamo madax banaanida dhuleed, siyaasadeed iyo jiritaan ee dhul-weynaha Shiinaha.
Qoraalka oo lagu faafiyey bogga rasmiga ah ee wasaaradda Arrimaha dibada dalka Soomaaliya ayaa lagu cadeeyey in Taiwan ay tahay qeyb kamid ah dhulka Shiinaha.
Xukuumaddii uu hogaaminayey Madaxweynihi hore Farmaajo ayaa horey ugu dhiiran waayay in khilaafka Shiinaha iyo Mareykanka mid gaar loogu hiiliyo,waana tallaabadii labaad ee Xasan Sheekh uu sameeyo 100-ka maalmood xukunkiisa,hore waxaa loogu dhaleeceeyey in is heysiga Masar iyo Itoobiya uu la saftay Qaahira.