DEG DEG: Soomaaliya Oo Dib usoo celisey Xiriirkii Diblomaasi Ee Dalka Kenya

0

Dawlada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in uu dib usoo laabtay xiriirkii kala dhaxeeyey ,Dawlada Kenya.

Diblomaasiyadii ayaa waxay noqoneysaa mid dib usoo noqoneysa sida uu shaaciyey goordhaweyd Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Al cadaala.

Waxa uu sheegay in ixtiraamka iyo fara galin la’aan ay tahay mid lagama maar maan tahay oo dal walbo xaq uleeyahay in lagu xad gubin.

Wasiir Cadaala,ayaa sheegay in Qadiyada Badda aysan ku jirin Arinta dib usoo celinta ayna qadiyadaas meesheedii tahay.

Tani waxay ka dhigan tahay in Safiiradii Labada waddan ee dib ugu kala laaban doonaan Muqdisho iyo Nairobi howshii Safaaradaha ee bilaha xanibneyd ayaana dib loo bilaabi doonaa.