DEG DEG: Shir hadda usocdo Rooble,Axmed Madoobe & Guddiga doorashooyinka

0

War goordhaweyd duhurnimadii ah kusoo dhacay Warqabadkeena Warqaad ayaa sheegaya in hadda shir usocdo R/wasaare Maxamed Xuseen Rooble,Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxmaed Islaam (Madoobe) & Hogaanka guddiga doorashooyinka heer federaal iyo heer Dawlad gobolleed.

Shirka oo ah mid aallada Zoom-ka ama fogaan arag ah ayaa waxa looga hadlayaa xaalada doorashada ka dhaceyso garbahaareey caasimada gobolka gedo oo muran uu hareeyey muddooyinkii dambe.

Xog hoose oo ay heshay Warqaad waxay tilmaamayaan in kulanka hadda socdo go’aan laga soo saari doono qabashada doorashada Garbahaareey loo ballansanaa.

Dhawaan mas’uuliyiinta jubbaland ee kasoo jeeda Gedo ayaa ka hor yimid in doorasho xor ah ka dhici karto garbahaareey oo gacanta Dawlad gobolleedka Jubbaland hoos imaanin.

Wixii soo kordho kala soco www.warqaad.info insha allaah