DEG DEG: Senetorkii ugu horeeyey Aqalka sare oo la doortay & Taariikhdiisa

0

Hoolka Daawad oo ah xarunta Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxa maanta si rasmi ah looga bilaabay doorashada Aqalka Sare.

Amaanka ayaa xarunta waxaa sugayey ciidamada AMISOM & kuwa Dawlad gobolleedka Jubbaland iyadoo dhaq dhaqaaqa la xadiday Meesha ay doorashada ka socoto agagaarkeeda.

Doorashada Aqalka Sare ayaa ka bilaabatay Magaalada Kismaayo iyadoo afar kursi ka mid ah 8 xubnood Jubbaland laga dooranayo ay doorashadooda la qabtay.

Xildhibaanada Jubbaland oo doorashada codeenayey ayaa waxa ka qeyb galay 73 mudane,Kursiga ugu horeeya ee doorashada ayaa waxa ku tartamayey Maxamed Axmed Sayid iyo Ilyaas Badel Gaboose,waxaana xumaaday hal cod iyadoo natiijada uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed C/raxmaan.

Codadka ayaa waxay ukala heleen labada murashax sida tan:

Maxamed Axmed Maxamuud Sayid ayaa helay cod dhan 17 cod

Halka Ilyaas Badel Gaboose uu keensaday codad gaaraya 55 cod

Sidaas ayuuna Ilyaas Badel Gaboose uu unoqday Senetorkii ugu horeeyey ee Aqalka Sare Soomaaliya kusoo baxa sanadkaan doorashada dalka.

Hoolka Doorashada ka dhaceysay waxa kusugan Wasiiro katirsan Jubbaland oo ay ka mid yihiin C/naasir Seeraar Maax,C/rashiid Jirre Qalinle iyo Xubno kale.

Ilyaas Badel gaboose oo soo noqday Gudoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose,iyadoo xubin uu kasoo ahaa Dawlad Gobolleedkii Azaaniya ee madaxweynaha ka ahaa AUN Maxamed Cabdi Gaandi.