Wararka ka imaanaya Degmada Dhoobleey Ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in Halkaasi Uu Qarax Xoogan Uu Ka Dhacay.

Qaraxa ayaa ahaa miinada dhulka la geliyo waxaanaa lala Eegtay Kollonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidanka AMISOM kuwooda ka socda Dalka Kenya.

Qaraxaas ayaa waxaa la sheegay inuu haleelay mid ka mid ah Gaari ay Ciidanka Kenya wateen waxaana la tilmaamay in khasaaro kala duwan uu ka dhashay.

Baabuurta la weeraray waxay ka yimaadeen Dhoobleey waxaana ay kusii jeedeen Magaalada Afmadoow iyadoo Al Shabaab ay sheegteen Mas’uuliyada weerarkaasi.

Waxay Al Shabaab sheegeen in Gaari ka mid ah kuwii Ciidanka Kenya wateen ay gubeen oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh uu ka dhashay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Qaraxa uu si gaar ah uga dhacay meel udhaw Deegaanka taabto Ee Afmadoow udhaw.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.